Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysan doono jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC).
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Rangwe ee ismaamulka Homa Bay ayuu Mr. Odinga hoosta ka xarriiqay inuu diyaar u yahay inuu u adeego qaaradda Afrika.
Waxaa uu musharraxiinta la tartamaya ku wargeliyay in ay saaxadda isugu yimaadaan.
Waxaa uu tilmaamay in hiigsigiisa uu yahay in dalalka Afrika ay wada ganacsadaan xaddidaad la’aan.
Raila Odinga ayaa sheegay in la joogo xilligii ay Afrika heli lahayd waxyaabaha ay u xaqa u leedahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan kheyraad badan oo laga soo saaro gudaha qaaradda balse aan laga faa’iidin.