Trump oo sameeyay ballan qaadyo dhowr ah

0
272

Donald J. Trump ayaa xalay loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 47-aad ee dalka Mareykanka.
Waxaa uu ku soo laabtay Aqalka Cad ee Mareykanka afar sano ka dib markii uu ku guul dareestay doorashaadii 2021-kii.
Trump ayaa soo noqday madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka intii u dhexeysay 2017-kii iyo 2021-kii.
Khudbadiisii caleema saarka ayuu Trump oo 78 sano jir ah aad ugu dhaliilay maamulkii isaga ka horreeyay ee madaxweyne Joe Biden iyo ku xigeenkiisi Kamala Harris.
Waxa kale oo uu isku tilmaamay dhibbane asaga oo ku tilmaamay dowladdii Biden in ay ahayd mid xagjir iyo musuqmaasuq ah.
Donald Trump ayaa xalay u muuqday in uu qabo kalsooni badan marka loo barbar dhigo xilligiisii ugu horreeyay Aqalka Cad.
Waxaa uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu saxiixo amarro madaxweyne isagoo ballan qaaday inuu ballaarin doono xuduudaha Mareykanka.
Waxaa uu dhanka kale uga digay dalka Panama inuu dib u soo celin doono kanaalka uu Mareykanka ka dhisay halkaasi.