OCHA oo sheegtay in 915 baabuur oo gargaar sida ay galeen Marinka Qaza

0
304

Xafiiska isku xirka arrimaha baniaadannimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay in 915 baabuur oo gargaar sida ay galeen gudaha marinka Qaza tan iyo shalay.
Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay soo saareen ila 66 meydad oo kale oo laga soo helay burburka guryaha Qaza.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAFA ciidamada Israa’iil ayaa taageeray dadka sida sharci darrada ah ku deggan Daanta Galbeed ee la haysto si ay rabshada ka dhan ah Falastiniyiinta ku nool deegaankaas ay u fuliyaan.
Waxaa sidoo kale rabshadahaasi lagu xiray toboneeyo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, Yossi Dagan oo ah madaxa golaha dadka sida sharci darrada u deggan Daanta Galbeed ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweyne Trump ee uu kaga noqday cunaqabatayntii uu Maraykanka saaray dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.
Waxaa sidoo kale go’aanka Trump soo dhaweeyay wasiirkii arrimaha nabad galyada ee Israa’iil ee is casilay Itamar Ben-Gvir oo qoraal soo dhigay barta X.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa intii uu socday laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa lagu dilay ugu yaraan 47,035 qof halka lagu dhaawacay 111,091 kale oo Falastiniyiin ah.