Jubbaland oo hakisay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda federaalka Soomaaliya

0
366

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay arrimaha ka dhex aloosan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxayna ay si toos ah ugu dhawaaqday inay hakisay xiriirkeedi wada shaqeyneed ee kala dhexeyay Dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Sida ku cad war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland waxay eedeyn qalqal galin amni ay dusha uga tuurtay Dowladda federaalka, si la mid ah is hortaag ku saabsan doorashooyinka guud ay Dowlad Goboleedka Jubbaland dooneyso inay qabsato.
Waxay tani dab xooggan ku sii shideeysa xiriirka aan wanaagsaneyn ee bilihii la soo dhaafay ka dhexeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland taa oo sii xooggeysatay markii Axmad Madoobe maalin cad uu iskaga baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.
Hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland:-