Dowladda dalka Qatar ayaa shaacisay in la hakiyay dadaalladii dhexdhexaadinta ee lagu heshiisiinayay Israa’iil iyo ururka Xamaas ee Falastiin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wada hadallada aynan sii socon karin ilaa inta labada dhinac ay ka muujinayaan in ay ka go’an tahay soo afjaridda colaadda Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay weerarro ka dhacay Qaza lagu dilay ugu yaraan 44 ruux.
Sidoo kale, duqeymaha Israa’iil ee gudaha dalka Lebanon ayaa waxaa ku nafwaayay 31 qof.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , weerarrada Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 43,552 ruux halka la dhaawacay 102,765 kale.
Gudaha Lebanon ,waxaa muddadan ku geeriyooday ugu yaraan 3,136 qof iyadoo la dhaawacay 13,979 dheeraad ah.