Beeralayda ismaamulka Trans Nzoia ayaa ku gacan seyray qorshaha ay dowladdu ku doonaysa in ay 90-ka kiilogaraam ee galleyda ah ay uga iibsato 3,500 oo shilin.
Waxay sheegeen in qiimahan uu hooseeya sidaasi awgeedna ay doonayaan in la kordhiyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Dr. Andrew Karanja uu sheegay in guddiga qaran ee kaydinta dalagga ee (NCPB) uu billaabi doono inuu beeralayda ka iibiyo galleydooda.
Karanja ayaa intaasi ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in ay la wareegto ilaa hal milyan oo kiish oo galley ah.
Hasa ahaate waxaa tani su’aal geliyay qaar ka mid ah beeralayda Trans Nzoia iyo barasaabka dowlad deegaankaasi George Natembeya.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Beeralayda Trans Nzoia oo diiday qiimo ay dowladdu ku iibsanaysa galleyda