Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si xooggan uga hor-timid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada ee madaxweynaha Jubaland.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.”
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: