Ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa dowladda cadaadis xooggan ku saaraya in ay bixiso lacagaha ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee tijaabada shaqo maraya.
Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU ,Davji Atellah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay mar kale shaqo joojin sameeyaan haddii wada hadallada socdo aynan miro-dhal noqon.
Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka ay go’aamisay in ururka mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu jaangooyo lacagaha la siinaya howlwadeennadan.
Hasa ahaate , waxaa uu isfahan waaga ka dhexeeya KMPDU iyo dowladda salka ku hayaa in SRC ay qiimihii horay loo soo jeediyay ee ahaa 206,000 oo shilin ay yareysay oo ay ka dhigtay 47,000 ilaa 70,000 oo shilin.
Ururka dhakhaatiirta dalka ayaa ku adkeysanaya in ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee tijaabada shaqo maraya ay xaq u leeyihiin in la siiyo mushaar ka badan inta uu guddiga SRC u qoondeeyay.