Israa’iil oo in ka badan 100 qof ku dishay Qaza iyo Lebanon

0
132

In ka badan 50 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay daafaha Qaza.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 42 ruux oo dadkan ka mid ah looga takhalusay Waqooyiga Qaza.
Dhanka kale , wasaaradda caafimaadka dadweynaha ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dileen 53 qof halka ay dhaawaceen 161 kale.
Weerarrada ay ka dhalatay waxyeelladan isugu jirta dhimashada iyo dhaawaca ayaa la fuliyay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 43,469 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 102,561 kale.
Gudaha waddanka Lebanon, waxaa muddadan lagu dilay in ka badan 3,103 ruux iyadoo la dhaawacay 13,856 dheeraad ah.