Booliiska oo sheegay in weli la la’yahay 29 qof

0
496

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan meel lagu ogeyn 29 ruux laga soo billaabo xilligii ay dhacayeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee bishii Lixaad ee sanadkan.
Waxaa uu Kanja hoosta ka xarriiqay in markii hore la soo tabiyay in la afduubtay 57.
Hasa ahaate, 22 ka mid ah ayaa la helay iyagoo nool halka lix kalena la dilay.
Kanja ayaa difaacay ciidamada booliiska oo uu sheegay in aynan afduub sameyn.
Waxaa uu ku celceliyay in saraakiisha ammaanka ay keliya qofka si sharci ah gacanta ugu dhigaan.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska ayaa intaasi ku daray in ay weli baaritaano wadaan oo cid kasta oo lala xiriiriyo afduub dhacay laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Dhanka kale, Kanja ayaa sheegay in intii ay socdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda la dhaawacay 495 oo booliis ah iyo 347 oo rayid ah.