Xubnaha guddi isku dhaf ah oo matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare ayaan weli ku heshiin lacagaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada.
Waxaa guddigan si wadajir ah u guddoominaya xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a ahna guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka Ndindi Nyoro iyo senatarka Mandera ahna guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee senate-ka Cali Ibraahim Roba.
Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa horay u soo jeedisay in ismaamullada laga dhimo 20 bilyan oo shilin.
Waxaa soo jeedintan taageeray baarlamaanka in kastoo aqalka sare uu ka soo horjeestay.
Xubnaha senate-ka ayaa ku adkeysanaya in aan laga laaban karin kheyraad loo qoondeeyay dowlad deegaannada.
Dhawaan ayay ahayd markii Ndindi Nyoro uu sheegay in ismaamullada ay dhanka dowladda dhexe uga maqan tahay 30 bilyan oo shilin oo aan weli lagu wareejin.