Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu diiradda saari doono xoojinta midnimada kenyaanka iyo ka shaqeynta sidii maamulka Kenya Kwanza uu ugu guulaysan lahaa oofinta ballanqaadyadii uu sameeyay.
Waxaa uu sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in wasiirka loo magacaabi doono wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran uu la tacaali doono caqabadaha jira ee dhinaca amniga sida dhacdooyinka afduubka iyo dilalka haweenka loo gaysanaya ee ku soo kordhay gudaha waddanka.
Waxaa hadda xilkii uu banneeyay Kindiki si ku meel gaar ah u sii haya madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi.
Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in muddo labo sano ah oo uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran uu guulo ka soo hooyay la dagaallanka argagixisada iyo burcadnimada.