Arday sameynayay KCSE oo ku geeriyooday Mumias

0
463

Waxaa ay xaalad murugo ah ka taagan tahay tuulada Epanja ee deegaanka hoose ee Bariga Wanga iyo dugsiga sare ee Ebubere oo ku yaalla deegaan baarlamaneedka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Tani ayaa timid ka dib markii uu si lama filaan ah u geeriyooday arday sameynayay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da oo 19 sano jir ahaa.
Qoyska uu ka baxay Calistus Wamboye Oteu ayaa sheegay inuu saaka guriga ka soo tagay isagoo aan xanuunsanayn.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardayga uu ku dhex geeriyooday fasalka xilli uu sugayay inuu imtixaanka u fadhiisto..
Waxaa meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka St. Mary ee magaalada Mumias, halkaasi oo lagu sameyn doono qalliin baaritaan ah .