Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar ruux kadib shil xalay ka dhacay aagga Migaa oo u dhow Sachangwan oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Shilka laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa ismaamulka Nakuru iyo magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa u dhexeeyay baabuur xamuul oo siday xaabo ama qoryaha dabka lagu shita oo ku wajahnaa Nakuru iyo gaari kale oo khudaar siday oo dhinaca kale ka soo socday.
Guddoomiyaha aagga Migaa ,Zachary Monari ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka shilka ku dhintay ay saarnaayeen baabuurka xaabada siday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof kale oo dhaawacmay la geeyay isbitaalka Coptic Hospital ee ku yaalla Salgaa oo ka tirsan Nakuru.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha shilkaasi iyo darawal ayaa warbaahinta la wadaagay sidii ay wax u dhaceen.