Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa maalinkii labaad duqeeyay isbitaalka Kamal Adwan ee ku yaalla Waqooyiga Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay sarkaal caafimaad iyo bukaanno ay ka mid yihiin dhallaan dhawaan dhashay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ,weerarrada Israa’iil ee gudaha Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 43,374 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 102,261 kale.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkii ay ka gaysatay magaalada Dimishiq ee dalka Syria ay ku bartilmaameedsatay xarunta dhexe ee sirdoonka kooxda Xisbullah.
Hasa ahaate warbaahinta Syria ayaa ku warramaysa in la duqeeyay aagag dadweyne.