Iiraan oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Israa’iili ah

0
290

Iiraan ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ah bulshada Yuhuudda ee laga tirada badan yahay ee dalkaas ku nool, kaas oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli ahayn, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhexaysa Israa’iil.
Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah ee waddanka Iiraan, ka dib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iiraan (IHR) ee uu fadhigeedu yahay dalka Norway.
IHR ayaa sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay inuu dilay nin intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor.
Hasa ahaate, qoyskiisa ayaa sheegeen in lagu weerarray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay.