Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya dilkii loo gaystay madaxii shaqaaleysiinta ee shirkadda gaarka ah ee bixisa adeegyada amniga ee Wells Fargo ,Willis Ayieko .
Tuhmanaha oo lagu magacaabo Fredrick Otieno Omondi ayaa ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in la rumeysan yahay in shakhsigan uu door wayn ku lahaa afduubkii iyo dilkii Ayieko.
Ciidamada booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay in Omondi uu ku eedeysan yahay inuu mootadiisa ku qaaday Victor Ouma, oo loo yaqaano Sisco, oo horay loogu xiray xaafadda Dandora ee ismaamulka Nairobi ka dib markii lala xiriiriyay dilkaasi.
Waxay intaasi ku dareen inuu Ouma geeyay halkii laga afduubtay Willis Ayieko.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii saraakiisha booliiska ay toogteen tuhmane kale oo lagu magacaabo Robert Okoth, oo la soo tabiyay in ay wada dhasheen Victor Ouma kaasi oo sidoo kale ka qayb qaatay fal dambiyeedkan.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa xustay in baaritaannada ay weli socdaan oo dhinacyo badan laga eegaya sababihii keenay in la afduubay ka dibna la dilay madaxii shaqaaleysiinta ee shirkadda Wells Fargo.