Waxaa maanta maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi la soo taagay eedeysane Haashim Dhaqane Muxumad oo lala xiriirinaya dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah.
Saraakiisha booliiska ee arrintan gacanta ku haya ayaa maxkamadda ka codsaday 21 cisho oo dheeraad ah oo eedeysanaha xabsi lagu sii haynaya si baaritannada loo soo gabagabeeyo.
Maxkamadda ayaa ogolaatay codsiga booliiska.
Baaritaannada ay booliiska sameyn doonaan waxaa ka mid ah, dhacaamadii marxuumiinta laga qaaday iyo xiriirka kala dhexeyay eedeysanaha
Eedeysanaha ayaan wali la xaqiijin dalka uu ka soo jeeda.
Kiiskan ayaa markale la dhageysan doona 2-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Haashim ayaa shalay laga soo saaray goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla deegaanka Starehe ee ismaamulka Nairobi.