DHAGEYSO:Sarkaal ka tirsanaa ciidamada asluubta oo lagu dilay Nakuru

0
317

Waxaa lagu soo warramayaa in askari ka tirsanaa ciidamada asluubta la dilay halka mid kalena uu dhaawac culus soo gaaray ka dib markii dadka deegaanka ay saraakiishan ku eedeyeen inay wax khiyaanayeen.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Mogoon oo ku taalla galbeedka ismaamulka Nakuru.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gacanta lagu dhigay 2 ka mid ah afar qof oo falkan gaystay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa dhacdadan warbaahinta uga warramay.