Kindiki oo baaq u diray maamulka KRA

0
226

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa maamulka canshuuraha ee KRA ku boorriyay inuu hal-abuur la yimaado.
Waxaa uu ku taliyay in maamulkan uu adeegsado siyaabo lagu kordhin karo dakhli uruurinta.
Kindiki ayaa xusay in KRA laga doonaya in ay xoogga saarto dib u habeynta geeddisocodka canshuuraha iyo tixgelinta macaamiisha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wixii ka horreeyay 30-kii bishii Lixaad ee sanadkan , in ka badan 8 milyan oo qof oo kenyaan ah ay si buuxda u guteen waajibaadka ka saaran bixinta canshuuraha sida uu sheegay madaxweynaha dalka William Ruto.