DHAGEYSO:Wasiir Fiqi oo shaaciyay qorshaha dowladda ee safaaradda Itoobiya oo Villa Soomaaliya ku dhex taalla

0
273

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo si adag uga hadlay goobta ay deggan tahay safaaradda Itoobiya.
Waxaa uu ballanqaaday in degdeg safaaradda Itoobiya ay dowladda Soomaaliya uga rari doonto goobta ay deggan tahay.
Safaaradda Itoobiya ayaa ku dhex taalla Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana arrintan carro xooggan ka muujiyay shacabka Soomaaliyeed oo dalbaday in goobtaasi laga raro safaaradda Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya Madaxtoyada la dejiyey xiligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf, isagoo nasiib darro ku tilmaamay inay halkaas sii deganaato safaaradda Itoobiya.
Waxaa uu cadeeyey in safaaradda Itoobiya ay dhul ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalba doonaan in safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada Itoobiya ama ay ka guuri doonaan Madaxtooyada Soomaaliya.