Qaramada Midoobay oo sheegtay in 50 carruur ah lagu dilay Qaza

0
172

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka ubadka ee UNICEF ayaa cambaareysay weerarro aan kala sooc lahayn oo ay Israa’iil ka gaysatay Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxay hay’addu sheegtay in labadii maalmood ee ugu dambeeyay gudahooda , duqeymaha Israa’iil lagu dilay in ka badan 50 carruur ah.
Weerarrada ayaa ka dhacay Jabalia oo ku taalla Waqooyiga Qaza.
Dhanka kale , Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 4 carruur ah ay ku dhaawacmeen bam ay ciidamada Israa’iil ku tuureen xarun laga bixinayay tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha ee magaalada Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa duqeymaha militari ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 43,314 Falastiiniyiin ah iyadoo la dhaawacay 102,019 kale.