Kenyaanka oo loogu baaqay in ay soo gudbiyaan falalka musuqmaasuqa

0
140

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka ku boorriyay in ay soo gudbiyaan warbixinnada la xiriira musuqmaasuqa iyo canshuurta aan la bixin.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in falalkan ay caqabado ku yihiin kobaca dhaqaalaha waddanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in dadweynaha ay fiiro gaar ah u lahaadaan horumarka qaranka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa soo jeediyay in go’aan laga mideysan yahay laga qaato lunsashada kheyraadka dadweynaha .
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in shakhsiyaadka aan canshuurta bixin aynan ka faaiidin adeegyada dadweynaha.