Madaxweynaha Botswana oo qiray in tartanka madaxtinnimo looga guulaystay

0
385

Madaxweynaha dalka Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa ka tanaasulay loollanka doorashada ka dib markii ay natiijada horudhaca ah muujisay in xisbigiisa uu lumiyey aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horreysay ku dhawaad 60 sano.
Go’aanka Masisi ayaa soo baxay maanta oo Jimco ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada kama dambeyska ah ee codeynta.
Hasa ahaate, macluumaadka guddiga doorashooyinka ee dalka Botswana ayaa muujinaya in musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee madaxweynaha ee (BDP) uu ku jiro liiska afaraad ee tartamayaasha.
Hoggaamiyaha Botswana oo doonayay in dib loo doorto markii Shanaad ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono.
Waxaa uu u hambalyeeyay musharraxa garabka mucaaradka oo uu sheegay inuu qiraya inay guusha raacday.