Madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka oo ballanqaad sameeyay

0
473

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki oo maanta la dhaariyay ayaa ballan qaaday inuu si daacad ah ugu adeegi doono Kenyaanka ulana shaqeyn doono madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu doonaya inuu hoggaamiyaha qaranka ka fududeeyo culeyska mas’uuliyadeed oo uu xaqiijiyo habsami u socodka howlaha maamulka talada haya.
Kindiki ayaa William Ruto u ballan qaaday in uunan dayici doonin fursadda uu siiyay.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay ka jiraan fursado badan isagoo khudbadiisi diiradda ku saaray muhiimadda midnimada iyo u adkeysiga dhibaatooyinka.
Sidoo kale waxaa uu sharfay halyeeyadii u soo halgamay madax bannaanida dalka iyo xurriyadaha dastuurka ah ee ay Kenyaanka maanta ku naaloonayaan.
Waxaa uu ballan qaaday inuu madaxweynaha dalka William Ruto garab ku siin doono dhaqangelinta xeerarka lagu wanaajinaya dhaqaalaha , shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo midnimada qaran.
Prof. Kithure Kindiki ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay xoojiyaan midnimadooda.
Isagoo madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadcelinayay inuu ku xigeenkiisa u soo xushay ayuu sheegay inuu ku dhawaad 20 sano ahaa ardaygiisa arrimaha siyaasadda.