Israa’iil oo xalay duqeysay magaalada Beirut

0
184

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay ugu yaraan 10 duqeymo oo ah kuwa dhanka cirka ku bartilmaameedsaday caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.
Waxaa jiro warbixinno tilmaamaya in ay waxyeello sababeen weerarradaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay dhanka kale qaramada midoobay sheegaysa in Israa’iil ay adeegsanaysa siyaasad ku aaddan burburinta hannaanka caafimaad ee Qaza.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa hoosta ka xarriiqday in Israa’iil ay si ulakac ah u weerartay xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka waxayna tallaabooyinkaasi ku tilmaantay dembiyo dagaal.