Dhaarinta madaxweyne ku xigeenka oo aan saameyn doonin imtixaanka qaran

0
196

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da uu maanta sidii caadiga ahayd u sii soconaya xita iyadoo ay tahay maalin fasax ah.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Ogamba ayaa dhammaan xubnaha qaabilsan maareynta imtixaanka ku amray in ay shaqadooda sii wataan.
Waxaa uu ka dalbaday in ay xaqiijiyaan habsami u socodka howlaha imtixaanka.