In ka badan 1,000 ruux oo ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Turkana ayaa ka faa’iiday daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.
Waxaa bixinta adeegyadan iska kaashaday hay’adda M-PESA Foundation, shirkadda Zuri Health, isbitaalka carruurta ee Gertrude iyo isbitaalka Lion SightFirst.
Barnaamijkan ayaa lagu qabtay xarunta caafimaadka ee Kalokol ee Bartamaha dowlad deegaanka Turkana.
Waxaa adeegyada la bixiyay ka mid ahaa talasiin dhanka xanuunnada aragga ah, baaritaannada kansarka saameeya naasaha iyo minka , baaritaannada isku furanka, macaanka, dhiig karka, daryeelka caruurta iyo sidoo kale waayeellada.
Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in ugu yaraan 30,000 oo qof ay ka faa’iideen daryeel lacag la’aan ah oo laga bixiyay ismaamullada Nairobi, Siaya, Migori, Kiambu, Kajiado, Nakuru, Bomet, Kisii, Bungoma iyo Machakos .