Falastiin oo cambaareysay deegaamaynta Israa’iil

0
356

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Falastiin ayaa cambaareysay deegaamayn hor leh oo ay Israa’iil ka sameynaysa tuulada Umm Tuba ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Waxay sheegtay in ay kaashan doonto ururrada iyo maxkamadaha caalamiga ah si arrintan aynan u suurtagelin.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku xusan in qorshaha Israa’iil uu qayb ka yahay kuwo hore oo sharci darro ahaa oo ay ku doonaysa in ay ku goosato Quddus iyo guud ahaan Daanta Galbeed ee Falastiin.

https://x.com/pmofa/status/1851922682062803052?s=46&t=8afhW1qmdQ98pKeBVa6Y2g