EACC oo xirtay 4 qof oo ku eedeysan in ay ku shaqeynayaan shahaadooyin faalis ah

0
374

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa xabsiga u taxaabay afar ka mid ah shaqaalaha dowladda.
Waxaa sidatan sheegay afhayeenka EACC ,Eric Ngumbi.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu helay in ay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah oo lagu shaqaaleysiiyay.
Waxay kala yihiin Edna Bitange, oo gacanyare ka ah xafiiska guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) , Mark Chebitwey oo ka shaqeeya waaxda dakhliga ee guddiga , Francis Mfundi oo shaqaale ka ah maamulka maareeya ganacsiyada yaryar iyo Brenda Sulungai oo horumarinta bulshada u qaabilsan shirkadda adeegyada biyaha iyo bullaacadaha ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in afarta eedeysanayaal ay maanta ka soo hormuuqdaan maxkamadda.