Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa helay amar ka soo baxay maxkamadda sare ee waddanka kaasi oo xannibaya adeegsiga hanti uu qiimaheedu yahay 91 milyan oo shilin.
Waxaa hantidan leh Urbanus Wambua Musyoka oo horay wasiir uga soo noqday dowladda hoose ee ismaamulka Machakos.
Tani ayaa timid ka dib markii Wambua uu ku guul darreystay inuu cadeeyo qaabkii uu hantidan ku helay intii u dhexeysay bishii Koowaad ee sanadkii 2014-kii ilaa bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii.