Dugsiyada iyo meheradaha ganacsiga ee Taiwan oo la xiray

0
384

Waxaa albaabada loo laabay xarumaha waxbarashada iyo goobaha ganacsiga ee jasiiradda Taiwan.
Sidoo kale boqolaal duullimaadyo ah ayaa la baajiyay.
Tani ayaa loo aaneeyay cabsi laga qabo in Taiwan ay saameyso duufaanta xooggan ee Kong-rey.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa heegan sare gelisay 36,000 oo ciidamo militari ah si ay ugu diyaar garoobaan howlaha samatabixinta.
Sidoo kale, meelaha ay ka jirto halista sare ee la xiriirta duufaanta waxaa laga daadgureeyay 1,300 oo ruux.
Dadaalladan ayaa la sameeyay ka dib markii la saadaaliyay in duufaanta Kong-rey ay jasiiradda Taiwan gaari karto abaare 2-da duhurnimo ee maanta.