Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada booliiska ee ismaamulka Siaya ay heleen bastooladda madaxii shaqaaleysiinta ee shirkadda Wells Fargo Mr. Willis Ayieko ee la dilay.
DCI ayaa intaasi ku dartay in agabkan sarkaalka laga qaatay habeenkii la dilayay.
Booliiska Siaya ayaa bastooladda helay ka dib xog ay soo gudbiyeen shacabka oo ahayd in la arkay nin iyo haweeney hubkan ku dhex sitay baabuur ay taargadiisu tahay KDN 948B oo marayay xarunta ganacsiga ee Wagai.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ka dib la soo helay bastooladda oo ay ku jiraan 11 xirmo oo rasaas ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu baxsaday iyadoo haweeneyda oo ay dhaawacyo soo gaareen xilli ay booliiska ka cararayeen ay u geeriyootay dhaawacyada.