Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa soo saaray digniin ah in dowladdu aynan marnaba u dulqaadan doonin fal kasta oo khatar ku ah daryeelka ubadka.
Xilli uu ka hadlayay munaasabadda sanadguuradii 50-aad ee hay’adda World Vision qaybteeda Kenya ayuu Dr. Mutua cambaareeyay dhaqamada uu ka midka yahay gudniinka fircooniga ee (FGM) isagoo ku baaqay in gebi ahaanba la cirib tiro.
Waxaa uu wasiirka sheegay in dhaqan aan qiil looga dhigi karin in gabdhaha la dhibaateeyo.
Mutua ayaa xusay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay mudnaan siinaysa badbaadinta carruurta.
Waxaa uu soo jeediyay in ciqaab adag la mariyo cid kasta oo lagu helo in ay adeegsanaysa gudniinka FGM-ka.
Wasiirka waxaa uu sidoo kale shaaciyay in ay kaashanayaan hay’adaha iyo ururrada kala duwan si wax looga qabto tahriibinta iyo ku shaqeysiga carruurta.