Qaramada midoobay iyo qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa cambaareeyay Israa’iil ka dib markiii uu baarlamaankeeda shalay meelmariyay labo sharci oo ay dalkeeda uga mamnuucday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ay uga sii darto xaaladaha quusta ah ee horay ka taagnayd marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Sharciga oo la ansixiyay shalay, haddii la hirgeliyo ayaa ka hor istaagi doonta hay’adda UNRWA inay bixiso taageereo naf badbaadin ah oo ay siiso Falastiiniyiinta xaaladaha adag ku wajahaya marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Israa’iil ayaa hay’adda UNRWA ku eedeysay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug yeesheen weerarki 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay Xamaas ku qaadday Koonfurta dalka Israa’iil,
Eedeyntaasi ayaa ahayd in qaar ka mid ah howlwadeennada hay’addan ay xubno ka yihiin ururro argagixiso.
Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in codeynta baarlamaanka Israa’iil ay ka soo horjeeddo axdiga jimciyadda qurumaha ka dhexeyso, ayna xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in tani ay tahay ololihii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu sumcad xumeeyo UNRWA loogana xayuubiyo doorkeeda ku aaddan bixinta gargaarka ee qaxootiga Falastin.