Guddoomiyaha dallada hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehellada uu ka baxay Axmad Iidow Dhaqane oo ahaa waardiye oo xalay lagu dilay xaafadda Iftiin ee magaalada Garissa.
Waxaa uu qaybaha kala duwan ee bulshada Garissa sida waxgaradka , culimada, madaxda iyo saraakiisha ammaanka ku boorriyay in ay ka qayb qaataan soo afjaridda dilalka noocani ah oo horayna u dhacay.