Dowladda oo dib ugu celisay qayb ka mid ah ilaallada amniga ee madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday

0
420

Dowladda dhexe ee dalka ayaa dib ugu celisay qayb ka mid ah ilaallada amniga ee madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday Rigathi Gachagua.
Waxaa dib loogu celiyay labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da, kuwaas oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu Gachagua uu 20-kii bishan walaac ka muujiyay badqabkiisa, isagoo su’aal geliyay sababta keentay in lagala laabto ilaallada hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi iyo magaalada Nyeri iyo in sida uu hadalka u dhigay uunan darawaliin haysan sidoo kalena la fasaxay shaqaalihii ka howlgalayay xafiiskiisa.
Gachagua ayaa xilligaasi sheegay in madaxweyne William Ruto uu mas’uuliyadda qaadanaya haddii dhibaato soo gaarto isaga ama qoyskiisa.
Waxaa sidoo kale dib loogu celiyay labo baabuur oo ah kuwa dowladda.
Senatarka ismaamulka Kiambu Karugo Thangwa oo xulafa la ah Rigathi Gachagua ayaa dowladda ku boorriyay inay dib u soo celiso shaqaalihii xafiiskiisa ka howlgalayay.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maxkamadda sare ay horyaallaan dacwado uu Gachagua uga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay.