Meydadka 16 qof oo muhaajiriin ah oo laga helay xeebta Tunisia

0
284

Ciidamada ilaallada xeebaha dalka Tunisia ayaa sheegay in ay Bariga waddankaasi ka heleen meydadka 16 ruux oo isugu jiray soo galooti iyo qaxooti.
Sarkaal sare oo ciidamadan ka mid ah ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka aan weli la aqoonsan.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydadka laga helay saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan magaalada Mahdia oo uu ku badan yahay socdaalka sharci darrada ah.
Dadka soo galootiga ama qaxootiga ee ka soo jeedo dalalka kale ee qaaradda Afrika ayaa isku daya in ay ka gudbaan waddamada Tunisia iyo Libya.
Hasa ahaate , in badan oo shakhsiyaadkan ka mid ah ayaa ku nafwaaya badda Mediterranean-ka iyagoo doonaya in ay gudaha u galaan qaaradda Yurub.
Bishii hore ayay ahayd markii ay dhinteen ugu yaraan 15 qof oo u dhashay Tunisia oo ay saddex carruur ahaayeen.
Waxaa xilligaasi la waayay 10 ruux oo kale ka dib markii ay qallibmatay doon ay saarnaayeen in kastoo la soo badbaadiyay in ka badan 29 kale.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa laga soo xigtay in tan iyo 1-dii bishii Koowaad ee sanadkan ay qallibmeen ugu yaraan 103 doomo ah halka xeebaha waddankaasi laga helay 341 oo meydad ah.
Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ayaa dhankeeda sheegtay in tobankii sano ee ugu dambeeyay badda Mediterranean-ka ay ku geeriyoodeen in ka badan 30,309 qof oo isugu jiro soo galooti iyo qaxooti .
Ugu yaraan 3,000 oo tiradan ka mid ah ayaa la diiwaangeliyay muddo sanad ah gudaheeda.