Qof lagu tuhmaya inuu xiriir la leeyahay eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii gabadhii soomaaliyeed oo maxkamad la soo taagay

0
537

Waxaa maanta maxkamad la soo taagay qof lagu tuhmayo inuu xiriir la leeyahay eedeysanaha ugu muhiimsan ee afduubkii iyo dilkii dhawaan loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay habaryar u ahayd.
Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo tuhmanaha maxkamdda Makadara ee magaalada Nairobi maanta horgeeyay ayaa codsaday muddo dheeraad ah oo shakhsigan xabsiga lagu sii haynayo, si uu uga qayb qaato baaritaannada socda ee ku aadan in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha ugu muhiimsan ee dhacdadan.
Maxkamadda Makadara ayaa amartay in tuhmanahan muddo 9 cisho ah xabsiga lagu siihaayo.
Warbaahinta ayaa loo diiday inay sawir ka qaadaan tuhmanaha maadaama aan lagu caddeyn eedeymaha ka dhanka ah.
Shalay ayay ahayd markii dambi baarayaasha qaabilsan dhacdooyinka la xiriira dilalka ay shacabka u soo bandhigeen sawirka tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii arxaan darrada ahaa ee 24-kii bishan magaalada Nairobi loogu gaystay hooyada iyo labada gabadhood, kuwaas oo meydadkooda laga soo helay xaafadaha Parklands, Bahati iyo magaalada Machakos.
DCI-da ayaa soo bandhigtay sawirka Haashim Daqane Muxumed oo 24 sano jir ah, kaas oo la rumeysan yahay inuu waday gaarigii loo adeegsaday afduubka iyo dilka.