Waaxda dacwad oogidda oo meesha ka saartay kiisas ka dhan ahaa ganacsade Yagnesh Devani

0
270

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Mulele Ingonga ayaa meesha ka saaray dacwad uu wajahayay maalqabeenka lagu magacaabo Yagnesh Devani.
Kiiska meesha laga saaray ayaa la xiriiray musuqmaasuq dhanka batroolka ah, islamarkaana uu shakhsigan ku lunsaday dhaqaale dhan 7.6 bilyan oo shilin.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa garsooraha maxkamadda sare laanteeda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa Harrison Barasa ku ku wargelisay in xeer ilaalintu aysan doonayn inay sii waddo kiiskan.
ODPP ayaa go’aankan u cuskatay in kiiskan uusan haysan markhaatiyaal iyo caddeymo dukumeenti ah oo dacwaddan lagu sii wadi karo.
Kiiska Yagnesh Devani Devani ayaa soo billowday sanadkii 2008-dii ka hor inta uusan ganacsadahan u wareegin boqortooyada Ingiriiska.
Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor sheegtay in marqaatiyaasheeda muhiimka ah ay ka gaabsadeen in ay ku marag furaan kiiskan, halka qaar kalena ay dhinteen.
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii kiiskan la soo hadal qaaday, ka dib markii dowladda Kenya ay codsatay in ganacsadan waddanka lagu soo celiyo si uu wajaho eedeymaha ka dhanka ah.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ganacsigiisa uu adeegsaday shirkadda Triton Petroleum Company Limited, isagoo lunsaday 7.6 bilyan oo shilin.