Gachagua oo gudbiyay racfaan uu uga soo horjeedo go’aan ka soo baxay maxkamadda sare

0
321

Madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ayaa gudbiyay dacwad racfaan ah oo uu uga soo horjeeda go’aan ka soo baxay maxkamadda sare, kaas oo ku saabsanaa in ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ay ku saxsanayd inay soo magacowdo saddex garsoorayaal ah oo dacwaddiisa dhageysanaya.
Gachagua ayaa ku dooday in ku xigeenka madaxa cadaaladda ay baal martay shaqadeedi.
Waxaa uu xusay in kaliya madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ay awood dastuuri ah u leedahay inay soo magacowdo garsoorayaasha dhageysan kara dacwadaha, sida ku cad qodobka 165-aad ee farqadda afaraad ee dastuurka waddanka lagu maamulo.
Rigathi Gachagua ayaa maxkamadda racfaanka ka codsaday inay joojiso dhageysiga berri ee dacwadda lagu doonaya in maxkamadda sare ay meesha ka saarto amarrada lagu hakiyay in Prof. Kithure Kindiki oo loo magacaabay ku xigeenka madaxweynaha dalka loo dhaariyo xilkaasi.
Qareennada sharciga ee matalaya Gachagua ayaa ku andacooday in xukunka ay sareen garsoorayaasha maxkamadda sare ee kala ah Eric Ogola, Antony Mrima, iyo Freda Mugambi uusan go’aankooda ku saleysneyn qodobbada dastuurka ku xusan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda sare ay go’aamisay in ku xigeenka madaxa cadaaladda Philomena Mwilu ay u dhaqantay si waafaqsan sharciga.
Waxay garsoorayaasha xuseen in Philomena Mwilu ay awood dastuuri u leedahay in guddi garsoorayaal ah soo magacowdo.
Go’aankan oo ay soo saareen garsoorayaasha kala ah Eric Ogola, Antony Mrima iyo Dr. Freda Mugambi ayaa sheegeen in Mwilu ay si habboon u adeegsatay awooddeeda dastuuri.