Booliiska dalka oo sheegay in labadii bilood ee u dambeeyay la diiwaangeliyay 336 kiis oo dilal ah

0
525

Adeegga qaran booliiska dalka ee NPS ayaa warbixin uu soo saaray shaaca kaga qaaday in 339 kiis oo la xiriira dilal gudaha waddanka laga diiwaangeliyay intii u dhexeysay bilihii Siddeedaad iyo Tobnaad ee sanadkan.
Taliyaha guud ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa sheegay in marka loo barbardhigo isla muddadaasi labadii sano ee la soo dhaafay ay kiisaska dilalaka kordheen.
Tirada dhacdooyinka dilalka la xiriira ee sanadkii 2023-kii ee isla muddadaasi la diiwaangeliyay ayaa lagu sheegay 336 kiis, halka sanadkii 2022-kii ay tiradaasi ahayd 341.
Iyadoo ay jirta walaaca laga qabo kiisaska sii kordhaya ee dilalka, ayuu taliyaha guud ciidanka booliiska dalka ku boorriyay Kenyaanka inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan.
Mr. Douglas Kanja ayaa intaasi ku daray in baaritaanada kiisaska la xiriir dilalka ee maalmihii la soo dhaafay ay socdaan.
Warbixinta booliiska uu soo saaray ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sare u kaceen kiisaska afduubka iyo dilalka ah ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka.