Saddex garsoorayaal oo diiday inay ka tanaasulaan dhageysiga dacwadda Gachagua

0
533

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo loo xilsaaray dhageysiga dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay Rigathi Gachagua taasi oo uu ayiday aqalka sare ayaa diiday in ay ka tanaasulaan dhageysiga dacwadda xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenkii dalka.
Qareennada matalaya Gachagua ayaa ku dooday in saddexda garsoore ay xiriir dhow la leeyihiin dowladda sare.
Waxay qareennada Gachagua ku andacoodeen in saddexda garsoore ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha dalka William Ruto, guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Hasa ahaate, qareennada u doodaya xeer ilaaliyaha guud, golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ayaa ku dooday in aynan jirin sharci ka mamnuucaya garsoorayaasha in xiriir dhow la lahadaan qof kasta oo ka tirsan dadweynaha.
Gachagua ayaa doonayay in garsoorayaasha kala ah Eric Ogola, Anthony Mrima, iyo Freda Mugambi ay ka tanaasulaan dhageysiga dacwaddiisa ee uu uga soo horjeeda xil ka qaadistii lagu sameeyay.