Senatarka Kiambu oo soo jeediyay in muddo xileedka kuraasta la soo doorto laga dhigo afar sano

0
190

Senatarka ismaamulka Kiambu Karungo Thang’wa ayaa soo jeediyay in wax laga beddelo dastuurka si loo dhimo muddo xileedka xaddidan ee dhammaan lixda jago ee la soo doorto.
Lixda jago ayaa kala ah, madaxweynaha, barasaabyada, senatarrada, xildhibaanada baarlamaanka, wakiillada dumarka iyo wakiillada deegaannada hoose ee MCAs.
Waxaa uu soo jeediyay in muddo xileedka kuraastan laga dhigo afar sano.
Senatarka dowlad deegaanka Kiambu ayaa ku dooday in muddada gaaban ee mas’uuliyiintan ay sahli doonto in codbixiyaasha ay si joogta ah ula xisaabtamaan hoggaamiyayaashi ay soo doorteen.
Thang’wa, oo saaxiib dhow la ah madaxweyne ku xigeenkii dalka ee xilka laga qaaday Rigathi Gachagua, ayaa ku nuuxnuuxsaday in soo jeedintiisa ay wanaajin doonto dowladnimada iyo ka jawaabista baaqa dadweynaha.
Waxaa uu xusay in dunida ay si degdeg ah isu beddeshay, maadaama muddo xileedka gaaban uu awood u siinaya dowladaha inay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha muwaadiniinta.
Soo jeedinta senatarka Kiambu ayaa timid ka dib markii dhigiisa ismaamulka Nandi Samson Cherargei uu soo jeediyay in muddada dhammaan kuraasta la soo doorto laga dhigo toddobo sano, taasoo dhalisay dood badan.
Hasa ahaate waxaa soo jeedintan ku gacan seyray senatarka dowlad deegaanka Kiambu.
Kenyaanka ayaa haysta ilaa Jimcaha si ay u soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan soo jeedimadan.