Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka barayaasha ah.
Madaxa fulinta ee TSC, Nancy Macharia oo hortagtay guddiga baarlamaanka ee tacliinta ayaa sheegtay inay jiraan 400,000 oo macallimiin ah oo aan si rasmi ah loo shaqaaleysiin.
Waxay sheegtay in guddiga TSC ay ku adkaatay inuu shaqaaleysiiyo macallimiintan iyadoo ay jirto baahi weyn oo dhanka baarayaasha maadada Sayniska.
Madaxa fulinta ee TSC ayaa xustay in dugsiyo badan, gaar ahaan fasallada hoose ee dugsiyada sare ee (JSS) aynan haysan macallimiin ku filan gaar ahaan madaada Sayniska iyadoo codsiyada boosaskan ay yar yihiin.
Nancy Macharia ayaa dhanka kale guddiga baarlamaanka ee tacliinta u xaqiijisay in guddiga TSC uu dhammaan si joogto ah uu shaqaaleysiin doono 46,000 oo ah ardayda soo bartay macallinnimada ee maray tijaabada shaqo kuwaasi oo wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee (JSS).
Waxay intaasi ku dartay in bisha Koowaad ee sanadka soo socda la qorsheynayo in la shaqaaleysiiyo 20,000 oo macallimiin oo dheeri ah.