Rigathi Gachagua oo dhawaan laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku xigeenka waddanka ayaa qoraal kooban oo la soo dhigay bartiisa rasmiga ee X waxaa uu dadweynaha ugu hambalyeeyay xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day oo maanta waddanka looga dabbaal degaya.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa horay xil ka qaadis ugu sameeyay Gachagua waxaana taasi Khamiistii ayiday aqalka sare in kastoo ay maxkamaddu hakisay geeddisocodkaasi.
Waa markii ugu horreysay ee uu Rigathi Gachagua dareenkiisa la wadaago kenyaanka tan iyo intii uu dhacay isbeddelka hoggaamineed.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu shacabka u rajeynaya xus qaran oo farxad leh isagoo qaranka ugu duceeyay inuu barakoobo.