Ugu yaraan 87 qof oo ay waxyeello ka soo gaartay weerar ka dhacay Waqooyiga Qaza

0
304

In ka badan 87 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen ama la la’yahay ka dib weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Duqeyntan ayaa xalay lagu bartilmaameedsaday guriyo iyo dabaqyo dhowr ah oo la deggan yahay.
Xafiiska warbaahinta ee Qaza ayaa laga soo xigtay in weerarka uu si gaar ah u saameeyay mashruuca Beit Lahiya Project.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa maanta sheegtay in 87 ruux lagu dilay weerarkaasi ama la la’yahay oo ay ku hoos xanniban yihiin burburka ka dhashay duqeynta.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in ugu yaraan 40 qof oo kale la dhaawacay.
Waxaa sidoo kale jirta cillad dhanka isgaarsiinta ah iyadoo uu Waqooyiga Marinka Qaza maalinkii 16-aad ka socdo duullaan dhanka dhulka ah oo uu fulinaya militariga Israa’iil.
Shacabka ayaan sidoo kale haysan adeegyada cunnada , biyaha , daawooyinka iyo kuwa kale ee muhiimka ah.