Waxaa ay weli koronto la’aan ka jirtaa dalka Cuba tani oo saameysay malaayiin qof.
Maamullada waddankaasi ayaa wax yar un ka hor saqdii dhexe ee xalay sheegay in lagu guul darreystay iskudaygii saddexaad ee lagu doonayay xallinta cilladdan.
Abaare 12-kii duhurnimo ee Jimcadii ayay ahayd markii ay cillad soo foodsaartay kaydka qaran ee korontada ee Cuba ka dib markii la xiray shirkadda ugu wayn ee soo saarta korontada ee dalkasi.
Warbaahinta dowladda ee Cuba ayaa tabisay in cillad kale ay jirtay shalay subax.
Wasaaradda tamarta ee Cuba ayaa sheegtay in saameynta ugu badan ee maqnaanshaha adeeggan laga dareemaya caasimadda Havana.
Waxay wasaaraddu qoraal ku sheegtay in geeddisocodka dib u soo celinta korontada uu yahay mid adag.