Ugu yaraan 2,000 oo ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Murang’a ee gobolka Bartamaha dalka ayaa ka faa’iiday daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay u fidisay shirkadda tabarucaadda ee M-PESA Foundation oo kaashanaysa Zuri Health iyo hay’adda Amref.
Adeegyadan ayaa laga bixiyey isbitaalka degmada Kigumo .
Timothy Githinji oo ka mid ah shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka iyo Florence Nyambura oo ka mid ah shacabka Murang’a ee barnaamijkan ka faa’iiday ayaa warbaahinta la hadlay.
M-PESA Foundation ayaa ilaa afar ismaamul ku qabatay daryeel dadweynaha looga baarayay loogana daaweynayay noocyada kala duwan ee kansarka.
Waxay barnaamijyadan ku qarash gelisay 36 milyan oo shilin.