Waxaa maanta gudaha dalka looga dabbaal degay xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day oo sanad kasta la qabto 20-ka bisha Tobnaad.
Xuska ugu wayn ayaa lagu qabtay fagaaraha Kwale Stadium ee ismaamulka Kwale.
Waxaa munaasabadaasi kenyaanka ku hoggaaminayay madaxweynaha dalka William Ruto , madaxweyne ku xigeenka magacaaban Prof. Kithure Kindiki , madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi , barasaabka ismaamulka Kwale Fatuma Maxamad Achani iyo mas’uuliyiin kale.
Xuskan ayaa lagu maamuusaa shakhsiyaadkii u soo halgamay xurriyadda dalka iyo muwaadiniinta door ka qaatay waaxyaha kala duwan ee horumarka.